WARARKA SOOMAALI

Hirshabeelle oo shaacisay kuraasta ugu dambeysa ee Baladweyne

Guddiga hirgalinta Doorashada Hirshabeelle ayaa shaaciyay qabashada 4 kursi oo ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka deegaan doorashada labaad ee Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in soo gudbinta ergada wax dooraneysa iyo diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya kuraasta ay bilaabaneyso maalinta berri oo sabti oo ay taariikhdu ku beegan tahay 25-ka bishaan Maarso.

Maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa weli dhameeynin doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, waxaana  Maamulka Jubbaland ay caqabad siyaasadeed ka heysataan deegaan doorashada labaad ee Magaalada Garbahaarey.

Kuraasta la shaaciyey ayaa sumadoodu waxay tahay HOP058, HOP019, HOP059, HOP039 sida ku xusan qoraal uu soo saaray guddiga oo sidan u qornaa:-

Hirshabeelle oo shaacisay kuraasta ugu dambeysa ee Baladweyne
To Top