WARARKA SOOMAALI

Sheekh Shariif oo Digniin Cusub u diray Madaxda dowladda, kadib markii….

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay Ninkii shalay dadkii shacabka ahaa ku rasaaseeyay Magaalada Muqdisho, xili ay dhigayeen banaanbax looga horjeeday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sheekh Shariif oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Mdowga ay aad uga xun yihiin Ninkii ku hubeysnaa ee Bastoolad ku riday dad u badnaa Gabdho oo dhigaayay banaanbax nabadeed, sidoo kalena Bastoolada ku handaday dhowr jeer.

Waxa uu sidoo kale cambaareeyey tallaabadii lagu xiray gabdhaha waday banaan-baxa, oo uu ku tilmaamay  inay tahay mid kasoo horjeeda dowladnimada, maadaama gabdhaha dushooda lagu riday rasaasta ay ahaayeen kuwo cabirayay fikirkooda oo aan wadan hub.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa Madaxad dowladda ka dalbaday in   meel fagaare ah maxkamad lagu saaro ninkii bistooladda u adeegsaday gabdho dibadbax dhigayay.

“Askarigii muuqaalka laga duubay ee la xaqiijiyay inuu ku kacay fal dambiyeedka, isagoo bistoolad ku haya gabdhaha, waa in sharciga la horkeeno, Meel fagaare ah hala keeno, dadka u xiran dowladda ama ay ku daba joogto ee guryahooda ka raadineyso ha iska deyso” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in haddii dowladda ay sii wado caburinta ay dadka heysto ay ka imaan karaan wax aan la fileyn, wuxuun sheegay inay dhiira-gelinayaa dadka banaanbaxyada doonaya inay ka dhigaan Muqdisho, isla markaana si cad u sheegay in dowladda aysan marnaba u maleynin in laga baqayo.

SOMALI NEWS

To Top