WARARKA SOOMAALI

Qaramada Midoobay oo shaacisay caqabado badan oo heysta Soomaaliya

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo Caqabado badan  oo dowladda Federaalka la kulantay sandkaan sii dhammaanaya ee 2020.

James Swan ayaa waxaa uu sheegay in Soomaaliya caqabadaha ay la kulantay ay kamid  yihiin dhinacyada siyaasadda, amniga iyo bani’aadamnimada, iyo Musiibada COVID-19, Isla markaana ay jiraan tallaabooyin horumar ah oo dowladda gaartay.

Waxaa uu sheegay James Swan in Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay heshiis ka gaareen doorashada dalka ka dhaceysa, ayna sanadkaan 2020 Madaxda muujiyeen isu tanaasulka, sidoo kalena la gaaray heshiisyo is afgarad ah.

Isaga oo sii hadlaayay James Swan ayaa waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashooyinka dalka ay ku dhici doonaan si nabad ah, isla markaana heshiis laga gaari doono muranka ka taagan doorashadii lagu heshiiyay.

“Soomaaliya waxa ay la kulan tahay 2020 caqabado badan, oo ay ka mid yihiin dhinacyada siyaasadda, amniga iyo bani’aadamnimada, iyo sidoo kale Musiibada COVID-19. Isla markaana, waxaa jiray astaamo horumar leh sida deyn cafinta iyo heshiiskii hoggaamiyeyaashu ay ka gaareen hannaanka doorashada ee sannadka 2020-2021. Waa muhiim in dareenka isu tanaasulka, iyo sidoo kale is afgarad iyo wadahadalladu, ay sii socdaan si loo ilaaliyo loona horumariyo guulaha la gaaray,” ayuu yiri Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Waxaa uu hadalkiisa sii raaciyay James Swan “2021 wuxuu noqon doonaa mid muhiim u ah horumarka Soomaaliya,” ayuu yiri. “Ammaanka, waxa uu ahaan doona mid ku wareega dowladda Soomaaliya oo iyada ayaa mas’uul ka noqon doonta; dhaqaalaha, waxa ay sii wadi doontaa dib u habeynta si ay u xaqiijiso faa’iidada buuxda ee ay ku guuleysatay ee geeddi-socodka deyn-cafinta, xaaladda bani’aadamnimada, weli waxaa jira 5.2 milyan oo qof, oo ah qiyaastii saddex meelood meel dadka dalka ku nool, oo u baahan taageero. Iyo, dabcan, hanaanka doorashada ee doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha. Waxaan rajeynayaa inaan arko wadashaqeyn dheeri ah iyo is afgarad ka dhex dhaca madaxda Soomaalida ee arimahan muhiimka u ah Soomaaliya, iyo sidoo kale tallaabooyin adag oo la xiriira dimuqraadiyeynta dalka, oo ay ku jiraan xoojinta hay’adaha iyo aasaaska doorashooyinka ‘hal qof iyo hal cod ah’ sanadka 2024 -25.”

SOMALI NEWS

To Top