WARARKA SOOMAALI

Sheekh Maxamed Shaakir oo ka hadlay dilkii Hoggaamiyihii Daacish Abuubabar Al Baqdaadi.

Muqdisho (HM)-Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxa Xukuumada Galmudug ayaa ka hadlay dilka loo geystay Hoggaamiyihii Kooxda Daacish Abuubabar Al Baqdaadi oo Sabtidii lagu dilay howlgal qorsheysan oo ay Mareykanka ka fuliyeen  tuulo ku dhow magaaladda Idlib.

Sheekh Shaakir oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalada Dhuusa-Mareeb, ayaa geerida ninkan ku sheegay iney tahay mid faa’ido u ah dhamaan dadka Muslimiinta ah, isagoo sheegay inuu dhibaato ku hayay dalalka Caalamka.

Dhimashada uu dhintay ninkii ahaa Cadawga Islaamka,Cadawga Insaaniyada,Cadawga Bini’aadamka oo la dhihi jiray Abuubakar Al-Baqdaadi, waxa uu ahaa Axad dunida dhibaateeyay,waxaan leenahay gacan waliba haku boxo laakiin waxaa weeye Faa’ido u soo hoyatay dadka Muslimiinta ah, Faa’ido u soo hoyatay Insaanka” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo sii hadlaya ayaa Abuubabar Al Baqdaadi ku sifeeyay shaqsi aan kala saareynin dadka oo aanu u kala saareynin Muslin iyo Gaal, taasoo uu sheegay iney tahay mida keentay in Caalamka oo dhan si isku mida u soo dhaweeyaan.

Waxa uu noqonayaa mas’uulkii u horeeyay ee Soomaaliyeed ee ka hadla geerida Al-Baqdaadii oo dalkan ay ka joogaan Koox aan Kun dagaal yahan gaarsiisneyn oo sheegata iney tahay farac hoostagta dowladda Khilaafada Islaamka (ISIS).

Si kastaba, Ninkan la dilay magaciisa dhabta ah waa Ibraahim Awad Al-Badri, kaasoo sanadkii 1971-dii ku dhashay meel ku dhow Samarra oo dhacda waqoyga Baghdad.

Xiligii uu Mareykanka ku duulay Ciraaq 2003-dii ayaa la sheegayaa in uu wadaad mararka qaar hayn jiray furaha Masjid ku dhowaa caasimadda. Masjidka ayaa la aaminsan yahay in uu mararka qaarkood ka ahaa Mu’adin.

 

SOMALI NEWS

To Top