WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Gudoomiye hore oo Xabsi dheer lagu xukumay & Xubno la shaqaynayey oo toogasho lagu xukumay maanta-Video

Muqdisho (HM)-– Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah xukun ku riday kiis si cad u muujiyey ku dhex-milinka Al-Shabaab ee hay’adda dowladda federaalka ah.

Duq magaalo oo hore iyo sarkaal boolis ayaa lagu helay in ay xoogaga xiriir la leh shabakadda Al-Qaacida u fududeeyeen qarax.

Xeer-beegtadda ayaa labadooda waxay ku kala xukuntay dil toogasho iyo xabsi daa’in, sidda ay baahisay saxaafada maxaliga ah.

Falka loo maxkamadeeyay raggaan ayaa 19-ka bishii April ee sanadkan 2019 ka dhacay degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan, bartamaha dalka.

Dhacdadaas ayaa waxaa ku naf-waayay Cabdirashiid Cusmaan, oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii magaaladaas.

HALKAN KA DAAWO

Nuur Ibraahim Mahad-Alle ayaa garka loo geliyay dil toogasho markii ay ku cadaatay in uu yahay shaqsiga qaraxa ku aasey Maqaaxida uu Marxuumka ku sugnaa, sidda ay sheegeen garsooreyaasha.

Cabdiraxmaan Cilmi Cawaale, duqii hore ahaanna gudoomiyihii hore ee Maxaas, ayaa dhankiisa waxaa loo go’aamiyey xabsi daa’in. Doorkiisa falkan wuxuu ahaa in uu ogolaaday in ogaalkiisa weerarka lagu fuliyo.

Cali Axmed Guure, oo ah maqane Al-Shabaab ah kaasoo lasoo xiriiray shaqsiyaadkan, ayaa dhankiisa lagu xukumay dil toogashadda, iyadda lagu fulin doono marka gacanta dowladda soo galo.

Garsooreyaasha ayaa sidoo kale waxay amarku bixiyeen in laamaha ammaanka ay soo qabtaan Guure, oo gobolkaas u qaabilsan Shabaab.

“Dhamaan xukumaneyaasha ayaa haysta fursad ay rafcaan kaga qaadan karaan xukunka,” ayaa lagu yiri qoraal Maxkamada soo baxay.

Inta la og-yahay taariikhda Soomaaliya, waa markii ugu horeysay in mas’uul dowladeed loo maxkamadeeyo kadibna xukun loogu riddo in uu argagixisada kala shaqeeyay ama u fududeeyay fal dil ah.

SOMALI NEWS

To Top