WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Sheekh Aadan Sunne oo shaaciyay inuu ku biiray Ururka Al-shabaab

Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) oo kamid ahaa culimada kunoolaa magaalada Hargeysa ayaa dhawaan halkaasi si dhuumaaleesi ah uga tagay ayaa qiray in uu ku biiray kooxda Al Shabaab.

Wareysi uu Sheekh Aadan Sunne siiyay Idaacada BBC-da ayuu ku sheegay in uu kasoo tagay magaalada Hargeysa uuna hada joogo deegaano ay maamulaan Al Shabaab, waxa uuna ka gaabsaday in uu xaqiijiyo goobta rasmiga ah uu joogo.

Sheekh Aadan ayaa cadeeyay in isaga iyo qoyskiisa go’aansadeen in ay isaga soo tagaan Hargeysa uu tilmaamay in dhibaatooyin badan kala kulmay uuna xur u ahaan waaayay aragtidiisa iyo ku dhaqanka shareecada.

Waxa uu sheegay Sheekh Aadan Sunne in isaga iyo qoyskiisaba hada si nabad galyo ah ugu suganyihiin deegaanada Al Shabaab, waxa uuna cadeeyay in uu si rasmi ah ugu biiray kooxdaasi uuna qeyb ka yahay waxii hada ka dambeeya.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Sheekh Aadan Sunne oo shaaciyay inuu ku biiray Ururka Al-shabaab
To Top