WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Puntland oo Maanta Mas’uul cusub magacaabay (Wareegto)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 11, ku magacaabay Agaasimaha Wacyi-gelinta Ciidamada iyo la-dagaalanka Argagixisada, ee Wasaaradda Amniga iyo DDr-ta  Puntland..

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa lagu magacaabay Agaasimaha cusub, waxaana wareegtada magacaabista u qorneyd:

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay:Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1-Waxaa Maxamed Cabdiweli Nuur (Timire) loo magacaabay Agaasimaha Wacyi-gelinta Ciidamada iyo la-dagaalanka Argagixisada, ee Wasaaradda Amniga iyo DDr-ta Dowladda Puntland.

2- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Puntland oo Maanta Mas’uul cusub magacaabay (Wareegto)
To Top