WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Madaxweyne Lafta-gareen oo farriin u diray Xildhibaanada lagu doortay KGS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa ku faanay in Maamulkiisa uu noqday maamulkii ugu horreeyay ee dhaqan geliya heshiiskii 17-kii September sidoo kalena fuliya heshiiskii degaan doorashada labaad.

Laftagareen oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Magaalada Baydhabo ayuu sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uu yahay midka ugu badan ee laga soo doorto Xildhibaannada ugu badan laguna doorto ilaa 77 Xildhibaan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaan soo hadal qaadin cabashadii ka imaaneysay kuraasta qaar oo guddiga doorashooyinka ay hakiyeen iyo musharrixiin loo diiday inay tartamaan kadib markii laga celiyay Garoonka Aadan-Cadde, iyaga oo ku wajahnaa degaannada Koonfur Galbeed.

Xildhibaannada gaaraya 77 ee laga soo doortay degaannada Koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay inay Midnimo muujiyaan ,sidoo kalena awoodooda soo bandhigaan, isla markaana aan la kala qeybin.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Madaxweyne Lafta-gareen oo farriin u diray Xildhibaanada lagu doortay KGS
To Top