WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha Caalamka oo ka shiray dhameystirka Doorashada socota

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dhammeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan Dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Hirshabeelle iyo hirgalinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee BFS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wakiillada beesha caalamka kala hadlay xaaladda abaaraha ba’an ee dalka ka jira iyo sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ayaa meel gaba-gabo ah mareysa, waxaana Maanta soo dhammaatay doorashada kuraasta taalla Magaalada Kismaayo, iyada oo weli Jubbaland iyo Hirshabeelle ku harsan yihiin kuraas dhowr ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha Caalamka oo ka shiray dhameystirka Doorashada socota
To Top