WARARKA SOOMAALI

Sheekh Aadan Madoobe oo Maanta qaatay Shahaadada Xildhibaanimo

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa weli Magaalada Muqdisho ka wada bixinta shahaado siinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay shalay bilaabeen Guddiga doorashooyinka.

Xildhibaanada Maanta shahaadada qaatay ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo noqday Xildhibaankii ugu horreeyay ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee qaatay shahaadada.

Aadan Madoobe oo markii uu shahaadada qaatay kadib la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu qaatay shahaadada Xildhibaano ee Golaha Shacabka, isla markaana u mahadceliyay Guddiga oo uu xusay inay shaqo adeg hayaan.

Koonfur Galbeed ayaa Guddiga doorashooyinka heer Federaal ku eedeysay inay beegsadeen kuraas qaar oo lagu doortay Maamulkaas, isla markaana laga reebay Liiska Xildhibaanada cusub ee la shaaciyay, sidoo kalena sheegay in feylasha Xildhibaanada ku wareejin doonaan Xoghayeyaasha labada Aqal ee Baarlamaankii 10-aad ee dowladda.

Sheekh Aadan Madoobe oo Maanta qaatay Shahaadada Xildhibaanimo
To Top