WARARKA SOOMAALI

Ciidamada DANAB oo Gacanta ku dhigay gaari waday Qaraxyo iyo Wararkii ugu…

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab ay wehliyeen ciidamada daraawiishta Galmudug ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaano ku yaalla Gobolka Mudug kusoo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo gaari ay wateen.

Saraakiisha ciidankan hoggaaminayay ayaa sheegay in deegaanka Cadale oo kuyaala inta u dhaxeeysa wisil iyo Bajeela ee gobolka Mudug ku qabteen gaari qaraxyo saarnaayeen iyo rag katirsan Al Shabaab oo la socday.

Ciidamada ayaana xabsiga u taxaabay xubnaha katirsan Al Shabaab ay qabteen, waxa ayna sheegeen saraakiisha in baaritaano dheeraad ah lagu sameyn doono ragan la qabtay oo watay gaari ay u saarnaayeen qaraxyo miino ay doonayeen in ay aasaan.

Saraakiisha ciidanka Danab iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in raga la qabtay doonayeen in qaraxyo galiyaan waddada u dhaxeysa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo balse xogtaasi heleen kana hortageen.

Ciidamada DANAB oo Gacanta ku dhigay gaari waday Qaraxyo iyo Wararkii ugu…
To Top