WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dabkii ka kacay Suuqa Magaalada Hargeysa oo baabi’iyey 2 Bilyan oo Dollar

Duqa Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland Cabdikariin Axmed Mooge ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha hantiyadeed ee uu geystay Dabkii habeen hore ka kacay Suuqa ugu weyn Hargeysa ee Waaheen, kaasi oo socday in ku dhow 24 saac.

Cabdikariin Mooge oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Dabka uu dhaliyey khasaaro aad u farabadan oo uu baabi’iyey hanti gaareeysa $1.5 Bilyan ilaa $2 Bilyan oo dollar oo ay lahaayeen dad Ganacsado oo goobo Ganacsi ku lahaa Suuqa gubtay.

Wuxuu sheegay in dadka ku hanti waayay dabka loo saameyn doono gurmadyo kala duwan, maadaama khasaaro hantiyadeed uu gaaray dadkaas oo ay ka gubteen goobihii ay ku gacacsan jireen ee ku yaallay Suuqa  ugu weyn Magaalada Hargeysa ee Waaheen.

Sidoo kale Cabdikariin Mooge ayaa tilmaamay in olole nadaafadeed laga bilaabayo Suuqa gubtay, sidoo kalena waddooyinka la furayo, wuxuuna dabkii kacay ku sheegay inuu ahaa musiibo ay ku hanti waayeen Ganacsato aad u farabadan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Dabkii ka kacay Suuqa Magaalada Hargeysa oo baabi’iyey 2 Bilyan oo Dollar
To Top