WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo ka badbaaday isku day xilka looga qaadi rabay

Ra’iisul Wasaaraha dalka Pakistan ayaa waxaa uu ka badabaaday isku daygii lagu rabay in xilka lagaga xayuubiyo.

Guddoonka Baarlamanka Pakistan ayaa waxaa ay laaleen mooshinka xilka lagaga qaadayay Ra’iisul Wasaare Imran Khan, kadib markii ay ogaadeen in mooshinku uu baal maray qodobka shanaad ee dastuurka Pakistan.

Maanta oo Axad ah ayaa loo balan sanaa in codka kalsoonida loo qaado raysalwasaaraha dalka Pakistan iyadoo mucaaradku ay shegeen in ay haystaan codadka loo baahan yahay si Cimraan Khaan loo dhaafiyo xafiiska.

Codadka xilka laga qaadi karo Cimraan Khaan ayaa ah kuwo yar waxaana loo baahan yahay 172 cod oo ka mid ah 342-ka kursi ee uu ka kooban yahay Baarlamanka waddanka Pakistan.

DEG DEG: Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo ka badbaaday isku day xilka looga qaadi rabay
To Top