WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Imaaraadka Carabta oo Dowladda Somalia ku wareejisay lacagtii laga qabtay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa  goobjoog ka ahaa munaasabad ay dowladda Imaaraadka Carabtu ay dowladda Soomaaliya ugu wareejinaysay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in lacagta Imaaraadka ay dowladda Federaalka ku wareejisay ay tahay mid kaalinta Imaaraadka Carabta ee ku aadan gurmadka shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa lacagta kula wareegay gudaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya, waxaana garab taagnaa Ra’iisul Wasaare Rooble oo u mahadceliyay dowladda Imaaraadka.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dib ugu soo celisay dowladda Soomaaliya 9.6 Milyan oo Dollar oo sanadkii 2018  ay laamaha amniga dowladda Federaalka ku qabteen Garoonka Aadan Cadde, taasi sifo sharci darro ah dalka kusoo gashay.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu Imaaraadka dib ugu wareejiyay 9.6 Milyan oo Dollar, Imaaraadka ayaa u muuqda inuu Soomaaliya kusoo guryo noqday isaga oo tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh uu Safiirka Imaaraadku Muqdisho ka wado howlihii iyo galaan-galkii ugu balaarnaa.

SAWIRRO:-Imaaraadka Carabta oo Dowladda Somalia ku wareejisay lacagtii laga qabtay
To Top