WARARKA SOOMAALI

Ciidamada Gor-gor oo gubay Doon ay Isticmaali jireen Al-shabaab & Lacag dadka…

Faah faahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa hawlgal qorshaysan oo Kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen Gobolka Shabeellada hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hawlgalka oo ka dhacay tuulooyinka Tawakal iyo Balow oo ka tirsan degmada Awdheegle ee Gobolkaas ayaa lagu burburiyay saldhigyo Al-shabaab ku la hayd halkaas sida laga soo xigtay saraakiisha Gorgor.

Wararku waxay sheegayaan in sidoo kale Ciidamadu tuulada Tawakal ku gubeen doon nooca dheeriya ah oo dagaalamayaasha Al-shabaab isticmaali jireen.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u sheegay in doonta la gubay ay Al-shabaab ku raran jireen lacagaha ay shacabka ka qaadan.

Ciidamada Gor-gor oo gubay Doon ay Isticmaali jireen Al-shabaab & Lacag dadka…
To Top