WARARKA SOOMAALI

Golaha Wasiirada oo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabadsugida ee NISA

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulanka Golaha Wasiirada oo uu shir Guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan iyo Ansixinta magacaabida Taliyaha cusub ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Golaha Wasiirada Xukuumadda ayaa ansixiyay Magacaabista Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo loo magacaabay Mahad Maxamed Salaad oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Xilka Taliyaha Hay’adda NISA ayaa maalmihii dambe banaanaa, iyadoo horey uu xilkaas si KMG ah ugu hadlaayay Yaasiin Farreey oo ka tirsan Golaha Shacabka, waxaana xilkaas uga sii horreeyay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

Golaha Wasiirada oo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabadsugida ee NISA
To Top