WARARKA SOOMAALI

Daawo:Sarkaal ka tirsan Ciidamada Maamulka Garoowe oo xalay si naxariis daro loogu toogtay Gaalkacayo iyo Xaaladda oo kacsan-Video

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacpo ee xarunta gobolka Muduq ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeesan ay Waqooyiga Gaalkacyo ku dileen sargaal katirsanaa Ciidamada maamulka Puntland.

Kooxo bistoolado ku hubeesan ayaa la sheegay in ay toogteen sargaalkan ayna dhoor xabadood kaga dhufteen qeybaha sare ee jirkiisa, waxaana sargaalka la dilay magaciisa lagu sheegay Axmed Xasan C/raxmaan Gandi.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Warar kale oon helnay ayaa sheegaya in sargaalka xalay lagu dilay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo uu kamid ahaa ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas.

Ciidamada amaanka Puntland ayaa saakay howlgalo balaaran kawada xaafado katirsan Waqooyiga magaalada Gaalkacyo gaar ahaan halka uu dilku ka dhacay, walina lama oga in dilkaasi dad loo soo qabtay.

SOMALI NEWS

To Top