WARARKA SOOMAALI

Safiirkii Dowladda Somalia oo xilkii iska casilay & Xogta uu bixiyay

Safiirkii dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiyay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga  Ambassador Jaamac Cabdullaahi Maxamed Ceydiid ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Safiirnimo ee uu ka hayay Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Qoraal uu soo saaray Jaamac Ceydiid ayuu uga hadlay sababta keentay inuu xilka iska casilo, wuxuuna Safiirkii Soomaaliya ee Turkiga sheegay inuu u tartamayo Xilka Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland.

Jaamac Cabdullaahi Ceydiid oo shantii sanno ee lasoo dhaafay ahaa Safiirka dowladda Soomaaliya u joogay Turkiga ayaa u mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shaqaalahada safaarada uu mas’uulka ka ahaa iyo Jaaliyada Soomaalida.

“Mar haddii aan u tartamayo xilka Madaxweyne kuxigeenka #Puntland, waxaan iska casilay shaqadii danjiranimo ee aan #qaranka u hayey. Waxaan u mahadcelinayaa, HassanSMohamud, bahda @MFASomalia & diblomaasiyiintii 6.5 sanadood igala shaqaynayey” ayuu yiri Jaamac Cabdullaahi Ceydiid.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu wadaa in Isniinta soo socota ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland, waxaana Jaamac uu kamid yahay Musharaxiinta Madaxweyne ku-xigeenka u tartameysa.

Safiirkii Dowladda Somalia oo xilkii iska casilay & Xogta uu bixiyay
To Top