WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo Turkiga kala hadlay garab istaaga Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey mowqifka garab istaagga ah ee shacabka iyo dowladdu Turkigu ay ka muujiyeen faro-gelinta iyo xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa tilmaamay muhiimadda ay caalamka u leedahay xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika, iyagoo xoojiyey doorka walaalaha Turkigu ay ka qaadanayaan dib u dhiska iyo dowladnimada Soomaaliya.

Turkiga ayaa si weyn uga soo horjeestay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen 1-dii Janaayo 2024, kaasoo ay u arkaan mid meel ka dhac ku ah xuquuqda iyo danaha shacabka Soomaaliyeed.

Heshiiskan oo loogu magac daray Is-afgaradka Iskaashiga iyo Iskaashiga ayaa waxaa Addis Ababa kaga dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyadoo aan lagala tashan, lana ogeysiin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo Turkiga kala hadlay garab istaaga Somalia
To Top