WARARKA SOOMAALI

Dagaal Culus oo ka dhacay Mudug iyo Taliye caan ahaa oo lagu dilay

Abaanduulihii Ururka 18-aad ee ciidanka kumaandooska Gorgor ee xoogga dalka Cabdi Maxamed Suulnuuge ayaa Maanta lagu dilay Dagaal xooggan oo ka dhacay deegaan dhaca inta u dhaxeysa deegaannada Caad iyo Camaara ee Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in marka hore Abaanduule Cabdi Suulnuuge uu dhaawac halis ah kasoo gaaray dagaalka, balse markii dambe ayaa waxaa saraakiil ka tirsan ciidan xoogga ay xaqiijiyeen inuu geeriyooday Suulnuuge oo ka tirsanaa Gorgor,

Dagaalka maanta ka dhacay koonfurta gobolka Mudug ayaa dhaliyay khasaaro xooggan oo labada dhinac kala gaaray, waxaana adag in si dhab ah loo ogaado khasaaraha uu reebay dagaalkan.

Sargaalkan ka tirsanaa kumaandooska Gorgor ayaa hormuud u ahaa howlgalka ciidanka xoogga dalka ka wadaan deegaanno katirsan gobolka Mudug , isagoona ahaa sarkaal qeyb weyn ka qaatay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska ciidanka xoogga oo ay uga hadlayaan khasaaraha ka dhashay dagaalka Maanta ka dhacay koonfurta gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug.

Dagaal Culus oo ka dhacay Mudug iyo Taliye caan ahaa oo lagu dilay
To Top