WARARKA SOOMAALI

Safiirka cusub ee Mareykanka usoo magacaabay Somalia oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa Magaalada Muqdisho Maanta soo gaaray Danjiraha cusub ee Mareylanka u soo Magacaabay Soomaaliya Danjire Larry André, kaas oo shaqada kala wareegaya Safiirkii Mareykanka ee Muqdisho Amb, Donald Yamamota.

Danjire André waa dublamaasi la sheegay in uu yahay rug cadaa khibrad dheer u leh qaaradda Afrika, isaga oo soo noqday safiirka hore ee Mareykanka ee Jabuuti iyo Mauritania.

”Aad ayaan u jecelyahay in aan la shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed iyo dowlad goboleedyada iyo dawlada Federaalka ah si loo horumariyo ujeeddada aynu wadaagno ee ah soo noolaynta Soomaaliya oo ah dal sugan, barwaaqo ah, oo dimoqraadi ah ayuu yiri” Danjiraha.

Imaatinka Muqdisho ee Safiirka Cusub ee Mareylanka uu u soo Magacaabay Soomaaliya ee Danjire Larry André ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay ku jirto waqti doorasho, isla markaana Mareykanka iyo Beesha Caalamka ay doonayaan in la dardar-geliyo howlaha dhammeystirka doorashada dalka.

Safiirka cusub ee Mareykanka usoo magacaabay Somalia oo soo gaaray Muqdisho
To Top