WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashada heer Federaal iyo Ingiriiska oo ka wada hadlay Doorashada

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federal Muuse Geelle Yuusuf oo ay weheliyaan madaxa xiriirka caalamiga Maxamed Muuse iyo madaxa maamulka iyo maaliyadda Cabdi Udan ayaa kulan la qaatay Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Kate Foster.

Guddiga iyo Amb Mrs Kate waxay ka wada hadleen doorashada iyo caqabadaha ku gadaaman, iyagoo hoosta kawada xariiqay muhiimadda iyo dhameystirka doorashada Kulankan oo ahaa kulan miro dhal ah.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa Guddiga doorashooyinka heer Federaal ka dalbatay in la dardar-geliyo howlaha doorashada, si loogu dammeeyo waqtiga horey loogu heshiiyey .

Doorashada Golaha Shacabka ayaa si dardar leg uga socota magaalooyinka Maamul Goboleedyada, waxaana la doortay Xildhibaano farabadan oo kamid noqday Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga Doorashada heer Federaal iyo Ingiriiska oo ka wada hadlay Doorashada
To Top