WARARKA SOOMAALI

Wasiir Cabdiraxmaam Beyle oo Maanta kulan la qaatay Wafdi ka socday Faransiiska

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan ku saabsan arrimaha dib u habeynta maaliyadda Soomaaliya iyo fursadaha Maalgashi ee ka jira dalka la yeeshay xubno ka socday wasaaradda arrimaha Dibadda Faransiiska, maadaama Dowladda Farasiiska ay qeyb ka tahay dalalka la isku yiraahdo Paris Club.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka Deyn Cafinta oo hadda meel gabagaba ah maraya.

Faransiisku waa taageere muhiim ah oo si wanaagsan dowladda Federaalka Soomaaliya uga la shaqeeyay dib-u-habaynta, horumarinta dhaqaalaha iyo Geedi socodka Barnaamijka Deyn Cafinta.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalintii shalay soo gaaray wafdi ka socday Wasaaradda arrimaha Dibadda dowladda Faransiiska, iyagoo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali.

Wasiir Cabdiraxmaam Beyle oo Maanta kulan la qaatay Wafdi ka socday Faransiiska
To Top