WARARKA SOOMAALI

Maxkamadda Ciidamada oo saaka xukun ku riday Askari Dil ka geystay Galmudug

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qaybta Galmudug ayaa maanta u fariisatey dhageeysiga iyo go’aan ka gaarista dacwadda loo heysto dable Xoogga, Cabdiraxmaan Cabdulahi Axmed Tooxoow ( Taagane) oo  ka tirsan guutada 18-aad ururka 6-aad ee Gor-Gor.

Dable Cabdiraxmaan ayaa ku eedeysan dil xerada Ciidamda GorGor ee duleedka Dhuusamareeb loogu geystay 16-kii bishii 12-aad ee sanadkii tagey, Marxuum ex-dable xoogga Nuuradiin deeq Maxamed oo isla xeradaasi ka tirsanaa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Qaybta Galmudug G/dhaxe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa soo xiray Gunaanadka garmaqalka dacwada loo heysto C/raxmaan Tooxoow.

Guddoomiye Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa ku dhawaaqey xukunka Maxkamadda oo go’aamisey in Dable xoogga dalka, Cabdiraxmaan Cabdulahi Maxamed Tooxoow ( Taagane) yahay dambiile geystay dilka, laguna xukumey 15-sano oo xabsi ciidan ah iyo boqol halaad oo ah magta marxuumka uu dilay.

Maxkamadda Ciidamada oo saaka xukun ku riday Askari Dil ka geystay Galmudug
To Top