WARARKA SOOMAALI

Wafdi ka socday Faransiiska oo soo gaaray Muqdisho lana kulmay Wasiirka A/Dibadda

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray wafdi ka socday Wasaaradda Yurub iyo Arrimaha Dibadda Faransiiska, kaas oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Christophe Bigot.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa qaabilay wafdi ka socday Wasaaradda Yurub iyo Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Faransiiska.

Wasiirka iyo Wafdiga ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah iyo xoojinta iskaashiga wadar geesoodka ah ee labada dal, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia.

Kulanka Wasiir Cabdisaciid Muuse iyo wafdiga ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, diblomaasiyadda, la dagaallanka argagixisada iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

Wafdi ka socday Faransiiska oo soo gaaray Muqdisho lana kulmay Wasiirka A/Dibadda
To Top