WARARKA SOOMAALI

Sacuudiga oo xayiraadii socdaal ka qaaday 11 dal iyo Somalia oo liiska…

Sacuudi Carabiya ayaa xayiraadii ka qaaday 11 dal oo markii hore lagu soo rogay xayiraad ku saabsan faafitaanka noocyada kala duwan ee cudurka coronavirus.

Muwaadiniinta dalalka Imaaraadka, Jarmalka, Mareykanka, Ireland, Talyaaniga, Boortaqiiska, Boqortooyada Midowday, Iswiidhan, Switzerland, Faransiiska iyo Japan ayaa loo ogolaaday inay galaan Boqortooyada iyagoo fulinaya xeerarka karantiilka.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha ee Sucuudiga (PHA), dalalkan waxa la sheegay in ay muujiyeen in ay hoos u dhigeen halista COVID-19.

Si kastaba ha noqotee, 13 waddan ayaa weli ku jira liiska cas. Dalalkaas waxay kala yihiin Libya, Syria, Lebanon, Yemen, Iran, Turkey, Armenia, Somalia, Congo, Afghanistan, Venezuela, Belarus, iyo India.

SOMALI NEWS

To Top