WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo casuumaad ka helay dhigiisa Bakistaan

Guddoomiyaha aqalka sare mudane Abdi xaashi ayaa kulan qadka taleefanka kula yeeshay dhigiisa dalka Pakistan, iyagoo ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin iskaashiga labada dal ee dhinacyada Baarlamaanka.

Mudane Sadiq Sanjrani  Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka pakistan ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay dhigiisa dalka somaliya mudane Abdi xaashi si uu u yimaado dalka pakistan isagoo sheegay in ay mudan tahay isdhaafsiga wufuud ka kala socota labada Baarlamaan si loo xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan ee dalalka Soomaliya  iyo pakistan.

Dhanka kale gudoomiyaha aqalka sare ee jamhuuriyada Federalka Soomaliya ayaa aqbalay islamarahantaana soo dhaweeyay casuumaada uu u fidiyay dhigiisa dalka pakistan,

Kulankan qadka taleefanka ah ee u dhaxeeyay labadan mas’uul ayaa daba socday kulan dhinacyo badan taabanayay oo malinnimadii jimcaha ahayd  ku dhaxmaray magaalada islamabad ee caasimada dalka pakistan Danjiraha safaarada jamhuuriyada Federalka Soomaliya ee dalka pakistan marwa Khadiija maxamed Al-maqzuumi iyo gudoomiyaha aqalka sare ee dalka pakistan.

SOMALI NEWS

To Top