WARARKA SOOMAALI

Sacuudiga oo go’aan kasoo saaray in Masaajida lagu dukanayo Bisha Ramadaan.

Muqdisho  (HM)-Muftiga Sacudi Carabiya Sheekh Cabdulcasis Aal Shiikh ayaa shaaca ka qaaday in bisha Ramadaan salaadaha aan lagu dukan doonin masaajida kala duwan ee kuyaala dalkaasi si looga fogaado in uu faafo caabuqa Caronavirus.

Waxa uu sheegay Sheekh Cabdulcasis Aal Shiikh in dadka muslimiinta ah inta lagu guda jiro bisha barakeesan ee Ramadaan in salaadaha faradka iyo taraawiixda ku dukan karaan guryahaooda.

Muftiga Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegay in salaada ciida sidoo kale aan lagu dukan dooni masaajida iyo fagaarayasaha waa weyn hadii uu sii socdo cudurkan safmarka ah ee dunida ku faafaya.

Cudurka Caronavirus ayaa saameyn badan ku yeeshay caalamka, waxa uuna cudurkan sababay in la xiro masaajid badan ay ku jiraan kuwa barakeesan iyada oo laga cabsi qabo in uu sii faafo cudurkan.

SOMALI NEWS

To Top