WARARKA SOOMAALI

Puntland oo Ciidamo u adeegsan doonta xidhida Masaajidada ku yaala deegaanada maamulka.

Garoowe (HM)-Maamulka Puntland ayaa soo saaray amar lagu joojinayo salaadda Jimcaha iyo Salaadaha jameecada in lagu dukado Masaajidada ku yaalla magaalooyinka Puntland, si looga hortago cudurka Coronavirus.

War saxaafadeed ka soo baxay Guddiga diyaar garowga iyo ka hortagga Coronavirus, guddi hoosaadkiisa Amniga ayaa lagu sheegay in hey’adaha amniga la farayo sidii ay u hirgelin lahaayeen amarkaas, si loo ilaaliyo badqabka dadweynaha iyo ka hortagga faafida Coronavirus.

Maalmihii la soo dhaafay maamulka Puntland ayaa soo saaray amaro kala duwan oo la xiriira ka hortagga Coronavirus, iyadoo bandow habeenkii ah lagu soo rogay deegaanada Puntland.

Akhriso war saxaafadeedka:-

SOMALI NEWS

To Top