WARARKA SOOMAALI

RW Rooble oo xaliyey khilaafkii soo kala dhex-galay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay madmadowgii soo kala dhex galay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ee ku aadanaa khilaafka cusub ee ka dhashay doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Rooble uu dhammeeyay madmadowgii soo kala dhex galay labada dhinac, iyadoo la isku afgartay in ay si wada jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan dhammeystirka doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland.

“Waxaa la isku afgartay in ay si wada jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, dhammeystirka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Xafiiska Rooble.

Cabdi Xaashi, Boqor Buurmadow iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa ku dhawaaqay inay ka baxeen doorashada Golaha Shacabka, iyagoona Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyay inuu boobayo doorashada, waxaana eedeynta ka jawaabay garabka Mahdi Guuleed.

RW Rooble oo xaliyey khilaafkii soo kala dhex-galay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi
To Top