WARARKA SOOMAALI

MW Museveni oo War kasoo saaray Afgembiyada ee ka dhacay dalalka Afrika

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri K. Museveni ayaa waxaa uu Maanta ka hadlay dhacdooyinka Afgembiyada ee ka dhacay qaar ka mid ah dalalka Galbeedka Afrika, wuxuuna ugu baaqay Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika inay isugu yimaadaan Shir looga hadlayo Khatarta Afgembiyada Milliteri ee ka dhacay dhowr dal oo Afrikaan  ah.

Waxa ayaa uu u xusay inay Uganda leedahay Khibrad looga Gaashaman karo Afgembiyada Milliteri ee ka dhacayo Galbeedka Africa.  Sidoo kale wuxuu intaas hadalkiisa kusii daray inay Hoggaamiyayaasha Rayidka ku fashilmeen inay dhisaan Awood Ciiddan ee dalalkooda.

Hadalkiisa waxa uu ku soo aaday Afgembigii Milliteri ee bilowgii isbuucan xilka looga tuuray Madaxweynihii dalka Burkina Faso, Roch Kaboré. Dhinaca kale  Madaxweyne Museveni ayaa waxa uu soo hadal qaaday sida ay Uganda u dhistay qaar ka mid ah Awoodaha.  “Halkan, waxaan dhisnay dhowr xoojin. Waxay 6,000 oo Askari naga joogaan Somalia,  waxaana halkaasi ka qabanay dhowr shaqo” ayuu yiri Museveni.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan dalalka Afrika oggolaanin in Afgembi Milliteri lagula wareego ama lagu carqaladeeyo Talada dalka Afrika.

MW Museveni oo War kasoo saaray Afgembiyada ee ka dhacay dalalka Afrika
To Top