WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Lafta-gareen oo la kulmay wafdi Maanta gaaray Magaalada Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulkadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa Maanta gaarey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wafdi Waxana halka ku soo dhaweyay Mas’uliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Qaar ka mid ah Agaasimiyaasha guud ee koonfur Galbeed iyo Madaxda Hay’adda Socodaalka Jinsiyada laanta Saddexaad ee Koonfur Galbeed iyo Mas’uuliyiin kale.

Ujeedka socdaalka wafdiga Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socodaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu sheegay u kuurgalida Howlaha Shaqo ee Hay’adda ay ka wado Koonfur Galbeed iyo Wadatashi uu la yeelan doono Madaxda iyo Shaqaalaha Hay’adda.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku-meel gaarka u ah Maamulka kulan kula qaatay wafdiga uu hoggaaminayay Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka Cabduqaadir Cilmi Cali.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa Agaasime Cabduqaadir Cilmi iyo wafdigiisa kala hadlay dardar-gelinta howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada dowladda Federaalka iyo sidii adeegyada Bulshada deegaanada Maamulka loogu dhammeyri lahaa.

Madaxweyne Lafta-gareen oo la kulmay wafdi Maanta gaaray Magaalada Baydhabo
To Top