WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Masar oo Maanta socdaal ku tegaya Imaaraadka iyo ujeedkiisa

Madaxweynaha dowladda Masar Cabdifitaax Alsisi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan dalka Imaaraadka Carabta, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Masar, Danjire Bassam Raadi…

Madaxweynaha ayaa waxa uu la kulmi doonaa sida uu qorshahu yahay Dhaxal-sugaha Imaarada Dubai ahna ku-xigeenka Taliyaha Sare ee Ciidanka dalkaasi, Sheekh Maxamed Zaayid Al-nahyaan.

Labada Hoggaamiye ayaa waxaa ay kulankooda kaga hadli doonaan xoojinta xiriirka labadooda waddan, Dhacdooyinkii u dambeeyey ee Mandiqada, Duqeymaha Kooxda Xuutiyiinta ku hayaan dalalka Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga.

Sidoo kale Madaxweynaha dowladda Masar Cabdifitaax Alsisi iyo Sheekh Maxamed Zaayid Al-nahyaan ayaa ka wada hadli doona Isku-dayga lagu carqaladaynayo Amniga iyo deganaanshaha dowladaha Carbeed.

Madaxweynaha Masar oo Maanta socdaal ku tegaya Imaaraadka iyo ujeedkiisa
To Top