WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda Federaalka oo Ciidamo ka dejisay Magaalada Baladweyne

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Haramcad ee dowladda Federaalka oo saakay diyaarad ka qaaday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Ciidankaas ka dejisay Garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne.

Ciidamada oo gaaraya ku dhawaad 100 Askari ayaa waxaa dowladda Federaalka ay geeysay Baladweyne, kuwaasi oo farriisimo iyo Saldhig cusub ka sameeynaya gudaha Magaalada iyo duleedkeeda gaar ahaan meel ku dhow Garoonka Ugaas Khaliif.

Sababta Ciidamada Booliska Haramcad loo geeyay Baladweyne ayaa waxaa ay tahay sidii ay uga qeyb noqon lahaayeen Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle ee halkaas Magaalada oo sugaya amniga.

Sidoo kale Ciidamada ayaa sugi doona amniga goobta lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka oo la filayo in maalmaha soo socda ka bilaabato Baladweyne.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Dowladda Federaalka oo Ciidamo ka dejisay Magaalada Baladweyne
To Top