WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashooyinka Federaalka oo la kulmay xubno ka tirsan Beesha Caalamka

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf iyo xubno kamid ah Guddiga ayaa waxaa ay Magaalada Muqdisho kulan kula qaateen qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay in waqtigeeda lagu qabto doorashada Golaha Shacabka oo lagu kalsoonaan karo, si waafaqsan war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii dhowaan ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Muuse Geelle Yuusuf ayaa Wakiilada Beesha Caalamka siiyay warbixin la xiriirta hanaanka ay ku socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka iyo sida ay muhiimka u tahay in doorashada waqtigeeda lagu dhammeeyo.

Xubno Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dhankooda Guddoomiyaha ugu baaqay inay dardar geliyaan doorashoohinka Golaha Shacabka, isla markaana waqtiga loo asteeyay aysan dhaafin.

Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ayaa si dardar leh uga socota Magaalooyinka  Caasimaddaha ah ee dowlad Goboleedyada, waxaana la doortay in ka badan 40 Xildhibaan oo kamid noqday Golaha Shacabka..

Guddiga Doorashooyinka Federaalka oo la kulmay xubno ka tirsan Beesha Caalamka
To Top