WARARKA SOOMAALI

Ruushka oo weerar xoogan ku qaaday Ukrain iyo Qaraxyo waaweyn oo la maqlay

Ruushka ayaa saaka weeraro xoogan oo cirka iyo dhulka ah ku qaaday dalka Ukrain gaar ahaan Magaalada  Caasimadda ah ee Keiv oo laga maqlay Xabado iyo qaraxyo waaweyn.

Madaxweynaha dowladda Ruushka Vladimir Putin ayaa Ciidankiisa si rasmi ah telefishinka dowladda ugu amray inay hoolgalaan oo gudaha u galaan dalka Ukrain

Muuqaalo la baaahiyay saakay ayaa lagu arkay diyaarahada dagaal ee Ruushka oo soo galay magaalooyin u dhow Keiv caasimada Ukrain.

Saaka Jawiga Yurub waa mid dagaal, waxeyna u muuqataa in ay dhacday xabadii ugu horeeysay Dagaalka 3aad ee Adduunka.

Ruushka oo weerar xoogan ku qaaday Ukrain iyo Qaraxyo waaweyn oo la maqlay
To Top