WARARKA SOOMAALI

MW Putin oo Baaq u diray Milliteriga Ukraine, kana digay faragelin shisheeye

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo Khudbad jeediyey ayaa amray Howlgalka ay Ciidankiisa ku galeen Bariga dalka Ukraine. waxa uu ku booriyey Milliteriga Ukraine inay iska dhigaan Hubka, kuna laabtaan Hoygooda.

Waxa uu intaasi ku daray in Ciidanka Ukraine ee fuliya Baaqaasi xor u ahaan doonaan inay si Nabad ah uga huleelaan Deegaanada ay Hawlgallada Dagaal ka socdaan iyo inay dib ula midoobaan Qoysaskooda.

Dhinaca kale, Madaxweyne Vladimir Putin waxa uu sheegay inay Howlgallada Milliteri u qaadeen waxa uu ugu yeeray “Difaac Nafsi (Self-defence).

Waxa kale oo uu ku goodiyey inay jawaab culus siin doonaan dalalka soo farageliya Hawlgallada ka socda dalka Ukraine, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu carrabka ku dhuftay Isku-day kasta oo Faragelin Shisheeye ee Dhacdooyinka haatan socda.

MW Putin oo Baaq u diray Milliteriga Ukraine, kana digay faragelin shisheeye
To Top