WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda Somalia iyo IMF oo Shir looga hadlayo Arrin muhiim ah u furmay

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adda lacagta adduunka ee (IMF), ay bilaabeen shirka dib u eegista hanaanka maaliyadda Soomaaliya.

“Waxaan si wada jir u bilownay annaga iyo IMF dib-ugu-eegista hanaanka Maaliyadda Soomaaliya oo hadda meel wanaagsan maraya” ayuu yiri Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Shirkaan oo socon doona muddo labo toddobaad ah, ayaa waxaa looga doodi doona dib u habeynta hanaanka maaliyadda Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa hogaaminaysa shirkaan oo sidoo kale ay ka soo qeyb galayaan hey’adaha Dowladda qaarkood sida wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Dowladda Somalia iyo IMF oo Shir looga hadlayo Arrin muhiim ah u furmay
To Top