WARARKA SOOMAALI

Ruushka oo ku dhawaaqay in dagaalka ka socda Ukraine uu u adeegsaday hub halis

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa ku dhawaaqday, Sabtidii, adeegsiga gantaallada “Kinzal” ee hypersonic, markii ugu horreysay, si loo burburiyo bartilmaameedyada milatari ee Ukraine.

Afhayeenka Wasaaradda Igor Konashenkov ayaa sheegay in markii ugu horeysay Jimcihii, ciidamada Ruushku ay adeegsadeen gantaalada Kinzhal hypersonic dhowr jeer si ay u burburiyaan bakhaarka hubka ee magaalada “Ivano-Frankivsk” ee galbeedka Ukraine.

Waxa uu intaa ku daray in ciidamada Ruushku ay sidoo kale adeegsadeen nidaamka gantaalaha “Bastion” si ay u burburiyaan radar-ka iyo saldhigyada dhegeysiga elektaroonigga ah ee gobolka Odessa, ee koonfur-galbeed ee Ukraine.

Waxaana uu intaa ku daray in ciidamada Ruushka ay xalay ku guuleysteen inay dilaan 69 askari oo Ukraine ah, sidoo kalena ay burburiyeen 4 hab oo difaaca hawada ah, 4 xarumood oo hawlgalo ah, xarun raadaar, 3 gantaalada ridada, 12 bakhaar, 43 gaadiidka dagaalka ah iyo 12 diyaaradood.

24-kii Febraayo, Ruushku waxa uu hawlgal millatari ka bilaabay Ukraine, kaas oo ay ka danbeeyeen falcelin caalami ah oo caro leh iyo cunaqabatayn adag oo dhaqaale iyo maaliyadeed oo la saaray Moscow.

 

Ruushka oo ku dhawaaqay in dagaalka ka socda Ukraine uu u adeegsaday hub halis
To Top