WARARKA SOOMAALI

Guddoomiyihii Guddiga SEIT ee HirShabelle oo ka horyimid tallaabadii Guudlaawe

Gudoomiyihii  Guddiga doorashada Hirshabelle ee Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu xalay xilka ka qaaday Axmed Xasan Diini ayaa sheegay in uu weli yahay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Hirshabeelle, isaga oo sheegay in doorashada ay soo wajahday caqabad.

Axmed Xasan Diini oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Beledweyne wuxuu sheegay in doorashooyinka ka socda Baladweyne ay u hakatay sababo la xiriira faragelin uu ku haayo Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada.

Wuxuu Madaxweynaha Hirshabeelle ku eedeeyay inuu qaatay go’aamo kasoo horjeeda doorashada Golaha Shacabka ee ka socota Magaalada Baladweyne, isla markaana Xarunta Madaxooyada uu ka sameeystay xubno Wasiiro ah oo Musharaxiinta diiwaan-gelinaya.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa saaka xika qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Guddiga doorashada Hirshabeelle Axmed Xasan Diini, sidoo kalena ka saaray xubnimada Guddigaas, isagoo lagu eedeeyay inuu khatar geliyay amniga xubnaha Guddiga doorashada.

 

Guddoomiyihii Guddiga SEIT ee HirShabelle oo ka horyimid tallaabadii Guudlaawe
To Top