WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo taageeray tallaabadii uu qaaday Madaxweyne Guudlaawe

Ra’iisul Wasaaraha XFS  Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu sheegay inuu si dhaw ula socdo juhdina ku bixinayo dhammaystirka doorashada kuraasta Golaha Shacabka BFS ee wali harsan isagoo kala shaqaynaya Madaxda Dowlad-goboleedyada.

Ra’iisul Wasaaruhu ayaa waxa uu u hambalyeeyay Maxamed Xuseen Maxamed oo xubin ka noqday Guddiga Doorashada ee Hirshabelle kaas oo badalaya Axmed Xasan Diini, waxa uuna faray dhamaan Guddiyada doorashooyinka in ay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada Doorashada ilaaliyaanna kala danbaynta.

Ra’iisul Wasaaraha oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxwaynaha Hirshabeelle Ali Gudlawe Hussein ayay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Baladwayne loogu tartamo si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin.

Ugu danbayn Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa waxa uu ku boorriyay Madaxda Jubaland iyo Hirshabeelle in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo dhammaystiraan Kuraasta Golaha Shacabka ee harsan.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo taageeray tallaabadii uu qaaday Madaxweyne Guudlaawe
To Top