WARARKA SOOMAALI

Midowga Musharaxiinta oo kulan la yeeshay Guddiga Doorashooyinka Federaalka

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Guddoomiyaha iyo xubno katirsan Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal.

Xubnaha matalayay Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa kala hadlay Guddiga doorashooyinka heer Federaal  dedejinta doorashooyinka, ka mira dhalinta jadwalka doorasho oo ay soo saareen, iyo xal u helida caqabadaha dhamaystirka doorashooyinka.

Guddiga doorashooyinka ayaana uga warbixiyay Midowga Musharaxiinta halka ay mareyso doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo caqabadaha wali ka taagan dhameestirka Xildhibaanada wali harsan.

Midowga Musharaxiinta ayaana ugu baaqay guddiga doorashooyinka in la dedejiyo doorashada xildhibaanada harsan si dalka looga saaro firaaqa dastuuriga, loona helo hoggaan iyo hay’ado sharci ah.

Midowga Musharaxiinta oo kulan la yeeshay Guddiga Doorashooyinka Federaalka
To Top