WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashada SEIT Hirshabeelle oo Guddoomiye cusub doortay, kadib markii…

Xubnaha Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta waxaa ay doorteen Guddoomiye Cusub, kadib Doorasho ka dhacday Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Cusub oo lagu Magacaabo Maxamed Xuseen Maxamed Waadi ayaa waxaa uu bedelayaa Guddoomiyihii Gudiga doorashooyinka Hirshabeelle Axmed Xasan Diino oo xalay xilka laga Eryay.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay xilli dambe xilkii iyo xubinimadii Gudiga ka qaaday Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Hirshabeelle Axmed Xasan Diino, isaga oo ku eedeeyay in uu hagal daacinayo Doorashooyinka.

Dhankiisa Guddoomiyihii Gudiga doorashooyinka Hirshabeelle Axmed Xasan Diino  ayaa sheegay in Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Xubno kamid ah xulafadiisa ay hortagan yihiin in la dhameytiro doorashada kuraasta taalla Beledweyne.

Guddiga Doorashada SEIT Hirshabeelle oo Guddoomiye cusub doortay, kadib markii…
To Top