WARARKA SOOMAALI

Booliska Dowladda oo Muqdisho ku qabtay Maandooriye badan iyo dad watay

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay aheyd waxaa ay howlgalo ka dhan ahaa maandooriyaha iyo dhallinyaro dhibaato ku hayey shacabka ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan degmada Dharkeenley ee Gobolka  Banaadir.

Ciidanka ayaa inta uu socday howlgalka waxaa ay gacanta kusoo dhigeen maandooriyaha noocyadiisa kala duwan oo isugu jiray Xashiish, khamri, Kaniiniyaal farabadan oo daroogo ah iyo maandooriyeyaal kale iyo dadkii ka ganacsanaayey.

Sidoo kale Odayaasha dhaqanka Waaxda afaraad ee degmada Dharkeenley ayaa Laamaha amniga degmadaas u gudbiyey dhibaato ay ku qabaan Ciyaal weero oo ay sheegeen Odayaasha inay dhibaato ku hayaan dhallinyarada oo dadka tuuryeeyan.

Taliyaha Booliska qeybta Galbeed Yaasiin Nuur Kheyre Ganeey oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in howlgalka lagu qabtay maandooriyaha noocyadiisa kala duwan iyo dadkii ka Ganacsanayey, isla markaana ujeedka howlgalka uu ahaa la dagaalanka maandooriyaha.

Booliska Dowladda oo Muqdisho ku qabtay Maandooriye badan iyo dad watay
To Top