WARARKA SOOMAALI

Guudlaawe oo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Guddiga Doorashada Hirshabeelle

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban heer Dowlad-Goboleed Axmed Xasan Diini, sidoo kale waxa uu ka saaray xubinnimada guddigaas.

Guudlaawe ayaa go’aan adag u cuksaday kaddib markii uu ku eedeeyay in uu “Xagal daacin & hufnaan la’aan shaqo, hab dhaqan aan wanaagsaneen oo aan waafaqsaneen nidaamka Dowliga & Nidaamka Doorashada 2020/2022 oo ka leexday” sida qoraalka lagu yiri.

Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa isla xaanshida ku magacaabay shaqsiga buuxinaya xubinnimada Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Dowlad Goboleedkaas, Booskaas waxa uu u magacaabay Maxamed Xuseen Maxamed (Waadi).

Khilaafka Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Guddoomiyaha SEIT Hirshabeelle Axmed Xasan Diini ayaa yimid kaddib markii xaanshi lagu muujiyay Odoyaasha iyo xubnaha Bulshada Rayidka ee soo xulaya HOP#011, HOP#063 & HOP#135 lasoo geliyay bogga Guddiga inkasta oo Markii dambe laga saaray.

Guudlaawe oo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Guddiga Doorashada Hirshabeelle
To Top