Hargeysa (HM)- – Inta illaa iyo haatan la xaqiijiyey saddex qof – laba raga iyo haweenay – ayaa ku naf-waayey roobab dabaylo watay oo saacadihii lasoo dhaafay ku da’ay Hargeysa, caasimadda Somaliland.
Laba ragga ah waxaa qaadey daadad, halka ruuxa dumarka ah ay dishay koronto, sidda uu sheegay hogaanka caafimaadka ciidanka dab-damiska.
Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska, waxaa lasoo badbaadiyey tirro dad oo daadadku qaadeen iyagoo saaran gaadiidkooda kadib howlgalo kala duwan oo ciidamadda ay sameeyeen.
Dadka degaanka ayaa isgaarsiinta ugu sheegay HM in ay jiraan guryo uu saameeyay roobku islamarkaana uu saqafkii ka qaadey.
Roobka oo ah midka Gu’ga oo dhowaanahaaba aanan ka da’in degaanada Somaliland ayaa aalaaba sababa waxyeelo soo gaara dadka shacabka ah, mana muuqdo qorshe xukuumadda uga gaashaamaneyso.
“Sidaas darteeda, mar walba arrinta muhiimka ah waxay tahay oo aan u direyno darawaliinta xiliyadda xaaladaha noocaan ah ay jiraan in laga feejignaado. Sidoo kale dadweynaha waxaan u direynaa in ay nala soo xiriiraan,” ayuu yiri agaasimaha waaxda caafimaadka dab-damiska Somaliland.
Magaaladda Hargeysa oo sii fideysa waxaa aad ugu hooseeya qorsheyaasha horumarinta gaar ahaan kuwa looga hortagayo musiibooyinka noocaan ah, waxayna wajaheysaa caqabado u baahan in xal laga gaadho.