WARARKA SOOMAALI

Soomaaliya oo Qaramadda Midoobay ka hor sheegtay Qorashaheeda Doorashada.

Muqdisho (HM) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in doorashao qof iyo cod ah ay ka dhacdo dalka Soomaaliya, xilli ay jirto cabsi xooggan oo laga qabo inuu jiro isku day lagu doonayo muddo kororsi.

Ballan-qaadkan ayaa waxaa sameeyey danjiraha Soomaaliya ee Qaramadda Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan oo hadal ka jeediyey kulan Golaha Ammaanka uu ka yeeshay oo muddo kordhin loogu saameeyey sharciyadda ay ciidamada Amisom dalka ku joogaan.

“Dowladda Soomaaliya waxaa weli ka go’an in doorasho qof iyo cod ah ay qabato 2020/2021,” ayuu yidhi danjiraha Soomaaliya ee Golaha ammaanku.

Danjiraha ayaa dhanka kale uga digay dalalka ciidamada ugu tabaruca Soomaaliya ee howlgalka Amisom inay faro-gelin ku sameeyaan arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan marka ay timaado doorashooyinka.

“Inkasta oo aan ka mahad-celineyo taageerada dalalka ciidamada ku tabaruca Amisom ee joogteynta amniga Soomaaliya, waxaan ku celinaynaa in dalalkaas ay waajibaadkooda gutaan ayaga oo aan faro-gelin arrimaha gudaha gaar ahaan doorashaooyinka,” ayuu yidhi.

“Dhammaan dalalka ciidamada ku tabaruca Amisom waa inay ilaaliyaan xeerarka caalamiga ah iyo kuwa bani’aadannimada maadaama ay la xiriiraan ixtiraamidda madax-banaanida dalka iyo dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa si gaar ah horey ugu eedeysay Kenya, oo ka mid ah dalalka Amisom ciidanka ku tabaruca, inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top