WARARKA SOOMAALI

Xasan Cali Khayre“Waxaa naga Go’an inay dalka ka Qabsoonto Doorashadu”-Video

Muqdisho ( HM) -Xasan Cali Kheyre Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay ka go’an tahay in doorashada dalka ay ku dhacdo wakhtigeeda, uuna ku dadaali doono sidii arrintaas loo fulin lahaa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu hadalkan sheegay kulankii Golaha Wasiirada Soomaaliya  “Laga billaabo maanta, waa inaan ka shaqeynaa ka xukuumad ahaan xaqiijinta doorsho ummadda Soomaaliyeed u dhantahay, xasilloon nabad ah, dadkuna ay qeyb ka noqdaan,” ayuu yidhi ra’iisul wasaare Kheyre.

Waxa uu intaas ku daray in doorashada oo waqtigeeda ku dhacdaa ay ku jirto xasilloonida siyaasadeed ee dalka, oo haddii la waayo meesha ka bixi karta.

“In doorasho inta badan la isla oggolyahay dalka ka dhacdo ayaa wax walba inooga muhiimsan xillagan, si aan u ilaalino xasilloonida siyaasadeed ee dalka, waana sida kaliya ee aan ku hubin karno in ay waaraan wixii aan soo qabannay,” .

“Doodda ah in dalkaan Afar sano ee kasta ay doorsho la isla oggolyahay ka dhacdo, nuuceey rabto ha ahaatee, waa tan sharciyadda na siisay, sidaas darteed waa inaan ilaalinnaa.”.

SOMALI NEWS

To Top