WARARKA SOOMAALI

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Madax kale oo goordhow soo gaadhay Garoowe-Sawiro

Garoowe (HM)-Waxaa goordhaw magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland gaaray Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxda maamulada Hirshablle iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa garoonka diyaaradaha  kusoo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha DFS Mudane Xasan Cali Khayre iyo masuuliyiinta kale ee la socotay.

Soo dhoweynta weftiga waxaa qayb ka ahaa Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, Guddoomiyaha Golaha Wikiillada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Weftiga la socda ayaa ka qayb gelidoona Aaska Qaran ee maanta Garawe loogu samaynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Abshir Faarax.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top