WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaarihii Suudaan oo ku dhawaaqay inuu xilka iska Casilay, xili rabshado ay…

Ra’iisal Wasaaraha dalka Suudaan  Cabdullaahi Xamduuk ayaa saqdii dhexe ee xalay ku dhawaaqay inuu xilka Ra’iisul Wasaaraha dalkaas is casilay.

Arrintaa  ayaa timid kadib markii uu khudbad u jeeday shacabka  Suudaan, taas uu uga hadlaayay xaaladda Cakiran ee dalka Suudaan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay inuu geed gaaban iyo mid dheer u fuulay siduu wax uga qaban lahaa xaaladda cakiran ee Suudaan laaki  aysan u suurta gelin ka mira dhalinteeda.

Maalmahaan ayaa waxaa Suudaan ka socday bannaan baxyo looga soo horjeedo afgembigii fashilmay ee ciidmadu sameeyeen.
Dadka sameenaayay bannaan baxyada ayaa dalbanaayay xukuumad rayid ah iyo in ciidmadu faraha kala baxaan siyaasadda dalka.

Dhowr jeer waxaa la jaray adeegyada internet ka si loo xakameeyo bannaan baxyada, waxaana la xiray dad badan oo ka qeyb qaadanaayay mudaaharaadyada.

Ra’iisul Wasaarihii Suudaan oo ku dhawaaqay inuu xilka iska Casilay, xili rabshado ay…
To Top